Sign in to follow this  
Deeq A.

Xil. Fowziyo oo ka sir warantay dhibaatooyinka Siyaasadeed ee uu ku jiro dalka & Isticmaarka Shisheeye ee soo ifbaxaaya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan oo kamid ah Mudanayaasha baarlamaanka Somalia ayaa daboolka ka qaaday in dalka uu cagaha la galay xaalado kala duwan oo mashaakil dhaliyay.

Xildhibaan Fowziyo, ayaa sheegtay in si rasmi ah dalka uu gacanta ugu galay dalal shisheeye oo doonaaya inay ka faa’iideystaan colaadaha ay ka dhex abuurayaan Soomaalida.

Xildhibaanada waxa ay xaqiijisay in heerka faragalinta shisheeye ay gaartay halkii ugu xumeyd, balse ay doonayaan in adduunka intiisa kale ay ishooda qabato sida ay shisheeyuhu u qasayaan Somalia.

Xildhibaanadu waxa ay tusaale usoo qaadatay Siyaasadaha is diidan ee xiligaan dowlada Somalia kala dhexeysa garabyada mucaaradka, gaar ahaan Siyaasiyiinta sida aadka ah uga soo hoejeeda Siyaasada dowlada.

Waxa ay tilmaantay in mucaaradka ugu badan ay yihiin kuwo u hiilinaaya Shisheeyaha, waxa ayna carab dhabtay in tirada is raacsan ay yihiin kuwa Shisheeyaha ka caawiya danahooda.

Nuqul kamid ah haddalka Fowziyo Yuusuf ayaa ahaa ’’Runtii dalku xor maaha Baddi ayaa la heesta Hawadi ayaa la heysan jiray Barigii sidoo kale, dhinacyo kala duwan ayaa dalka jooga al-Shabaab dhinac ayay ka heestan Somalia’’

Waxa ay intaa raacisay ‘’Waxaan la mid nahay neef gowracan oo kale waayo waxa ay ku socotaa arrintu sida Yemen’’

Xildhibaan Fowziyo Yuusuf waxa ay sheegtay in faragelinta shisheeye ay keeni karto in dalka uu dib ugu laabto bur bur, maadaama uu dalka kusii siqaayo xaalad adag’’

Fowziyo Yuusuf, waxa ay dowlada Somalia ugu baaqday inay qaado talaabo adag oo lagu badbaadinaayo Somalia, waxa ayna si dadban u cadeysay in Somalia loo maleegaayo dabin cusub.

Docda kale, waxa ay sheegtay in Shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay Gacmaha isqabsadaan isla markaana ay taageeraan dowladda Cusub oo u dhalatay, waxa ayna hadalkaan sheegtay xili ay ka qeyb galeysay Barnaamij dood ah oo ka baxayay Idaacadda Voa.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Xil. Fowziyo oo ka sir warantay dhibaatooyinka Siyaasadeed ee uu ku jiro dalka & Isticmaarka Shisheeye ee soo ifbaxaaya appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this