Sign in to follow this  
Deeq A.

Boqortooyada Sacuudiga oo xirtay 11 amiir.

Recommended Posts

Deeq A.   

Saraakiisha Boqortooyada Sacuudiga ayaa xiray 11 amiir oo lagu eedeeyay in kicinayeen muddaharaadyo looga horjeedo dowladda,sida ay qortay Warbaahinta dalkaasi.

Amiirada ayaa horkacayey muddaharaadyo looga cabanayo go’aan xukuumaddu soo rogtay oo amraya in dadku ay iska bixiyaan biilasha Biyaha iyo Korontada ,halkii dowladdu ka bixin jirtay,sida lagu qoray Jariiradda Sabq news.

Xabsiga Ha’ir ee ku yaalla Koonfurta magaalada Riyadh ayaa loo dhaadhiciyey dhammaan raggii la xiray,waxaana la sheegay in baaritaan ku socdo.

Tallaabadan ayaa ku soo beegantay xilli uu sare u kacay sicirka maciishadda daruuriga ah,kadib markii dowladdu canshuur ku soo rogtay badeecadaha qaarkood,islamarkaana ay amartay in dadku iska bixiyaan biilasha Korontada iyo Biyaha.

PUNTLAND POST

The post Boqortooyada Sacuudiga oo xirtay 11 amiir. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this