Sign in to follow this  
Deeq A.

Imtixaamadkii naqliga ee sanad dugsiyedka 2017-2018 oo maanta ka bilowday Puntland.

Recommended Posts

Deeq A.   

Imtixaamadkii naqliga ee sanad dugsiyedka 2017-2018 ayaa maanta oo sabti ahayd ka bilowday dugsiyada waxbarashada Puntland, sida ay shaacisay wasaaradda waxbarashadu.

Gudoomeyeyaasha Waxbarsahada Goboladda, degmooyinka iyo maamulayaasha dugsiyada ayaa si buuxda ufuliyay warqaddii ka soo baxaday Xafiiska Waaxda Tayo-dhowrka iyo Kormeerka ee Wasaaradda Waxbarashda iyo Tacliinta Sare ee faraysay, xadidaysana xilliyada imtixaanaadka naqliga iyo shahaadiga.

Waxaana guud ahaan Gobolada Puntland ka furmay imitixamadkii naqliga ee sanad- dugsiyeedka ee termka hore 2017-18, haddana waxaa la sugayaa in bisha 5aad ay ardayda fasalada 8aad iyo 12aad u fariistaaan imtixaanka shahaadiga ah.

Agaasimaha Waaxyada Tayodhowrka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare C/Qaadir yuusuf Nuux ayaa fariin cad u diray gudoomiyeyaasha Waxbarashada si looga hortago tafararuqa , midaynta Waqtiga Fasaxna looga faa’iideysto waxii howlo ah ee taagan sida Tabarada, qorshe dajinta dugsiyada, saxidda iyo soo gudbinta imtixaanada iwm.

Agaasimaha waaxda Tayeynta iyo Tayo-dhowrka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare musuuliyinta Gobolada iyo kuwa Degmooyinka Waxbarashada waxaa uu yiri “inay fuliyaan midaynta Waqtiga imtixaamaka naqliga iyagoo raacaya nidaamka Wasaaradda Waxabarashada iyo Tacliinta sare.”

Sidoo kale waxaa gudoomiyeyaasha laga rabaa in dugsi walba u soo buuxiyo Foomka tirokoobka Ardayda iyo dhammaan natiijoyinka imtixaanaadka ee ardayda sanadkan, marka laga reebo Fasalada 8-aad iyo 12-aad.

Agaasimaha Waaxadda Waxbarashada Tooska Murwo Maryan Jaamac Xuseen iyo Madaxa Manahijta Nuur Ciiro ayaa dhamaan ku tagaya kormeer imtixaankii termaka hore iyagoo qiimaynaya imtixaanka Tayadiisa iyo Macalimiinta iyo Ardayda ku jirta Imtixaanka.

Iyagoo iskuuladu tixgalinaya Warqadii ka soo baxday Xafiiska kormeerka guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this