Sign in to follow this  
Deeq A.

Muhiimad intee le’eg ayuu garoonka diyaaradaha Garowe uleeyahay Soomaaliya?

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda duulista hawada ee dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay hirgalisay qalabkii isgaadhsiinta diyaaradaha (communication equipments).

Wasaaraddu waxay sheegtay Tijaabo ay ku samaysay qalabkaan inuu kasoo qabtay 75 Nautical Mile (150 KM) diyaarad Gaalkacyo dagaysa. Laakin waxay intaas ku dartay qalabkaan inuu gaari karo 150-200 NM (300-400 KM), taasna waxaa sahlaysa Garoonka Garowe oo ku yaala meel banaan oo aan buuro lahayn.

26231053_1497240557055915_34747030307571

qalabka isgaadhsiinta

Muhiimada garoonka diyaaradaha Garowe.

Garoonku waxaa uu kuyaalaa marin muhim u ah diyaaradaha mara hawada sare ee Somalia, cilmi baaris la sameeyay waxay lagu ogaaday qalab casri ah oo la dhigo Garowe waxay suuro gelinaysaa in la maqli karo diyaaradaha maraya badwaynta India xadka MUMBAI oo ah meesha cabashada uga badan ka imanyso diyaarada Somalia dul mara keentayna in india damacdo inay la wareegto dhinacaas.

Somalia waxa ay leedahay Hawo wayn, in badan waxay jirtaa dhanka badda taas oo gaaraysa ilaa 700 KM laga bilaabo xeebta, waxayan xad xawo laleedahay  Hinida, Yemen, Sycheles, Ethiopia iyo Kenya.

26229349_1644841215634304_84094141915942

 

Puntlandi.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this