Sign in to follow this  
Deeq A.

Odayaasha Gobalka Bari oo soo dhaweyey Imanshaha Madaxweyne Farmaajo Fariina u diray Madaxweyne Gaas

Recommended Posts

Deeq A.   

Bosaso[Puntland Post]-Siyaasiyinta iyo odayaasha ka soo jeeda gobalka Bari ayaa maanta kulan ay ku yeeshen magaalada Bosaso ee xarnta gobalka Bari waxa ay uga hadleen dhamystirka garoonka diyaardaha Bosaso waxana sida oo kale ay soo dhaweeyen imanshaha Puntland Madaxweynaha Soomaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

odayaasha ayaa marka hore ka hadlay wajiga labaad ee garoonka diyaaradaha Bosaso iyagoona sheegay in ay mihiim tahaya in la dhames tiro qeybaha ka dhiman garoonka waxana bulshada gobalka Bari ugu baaqeen in ay si wada jir ah uga qeyb qaatan dhameystirka wajiga labad ee garoonka diyaradaha Bosaso.

Waxan u baahanahay i si wada jir ah looga qeyb qaato dhismaha garoonka diyaaradaha Bosaso wajigiisa labaad dhamaan shacabka.

Dawlada Puntland oo uu hogaanka u hayo Cabdiwali Maxamed Cali Gaas waxan iyadan u sheegaynaa in ay mihiim tahay in il gaar ah lagu eego sidii loo dhamen lahaa qeybta ka qabyadaha ah garoonka diyaaradaha Bosaso si ay bilicdiisu u soo baxdo ”, sidaas waxa yiri qaar ka mid ah odayaasha gobalka bari oo kulanka ka hadlay.

Dhinaca kale Siyaasiyiinta iyo odayaasha gobalka Bari ee kulanka ku yeeshay Bosaso waxa ay si weyn u soo dhaweeyeyn Madaxweynaha Soomaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo safarka uu ku imanayo Deegaanada Puntland.

hadalka siyaasiyiinta iyo odayaasha gobalka Bari ka soo jeeda ayaa imanaya xili isbuucan lagu wado in xariga laga Jaro garoonka diyaaradaha magaalada Garowe oo dhismihiisu dhamaaday.

Hoos ka daawo Baaqa Odayaasha Gobalka Bari,

Grabbed-Frame-24.bmp Grabbed-Frame-25.bmpGrabbed-Frame-26.bmpGrabbed-Frame-27.bmpGrabbed-Frame-28.bmpGrabbed-Frame-29.bmpGrabbed-Frame-30.bmpGrabbed-Frame-31.bmpGrabbed-Frame-32.bmpGrabbed-Frame-33.bmp

The post Odayaasha Gobalka Bari oo soo dhaweyey Imanshaha Madaxweyne Farmaajo Fariina u diray Madaxweyne Gaas appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this