Sign in to follow this  
Deeq A.

faahfaahin laga helay kulan xasaasi ah oo dhex maray Wasiirka cusub ee Arrimaha Gudaha, Madaxweynaha & Ra’iisal wasaaraha..?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka cusub ee arrimaha gudaha Soomaaliya oo xilka dhowaan loo magacaabay ayaa xalay kulamo kala gaara iyo kulan wadajir ah la qaatay Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha.

Wasiirka cusub Cabdi Maxamed Sabriye oo shalay dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ayaa xalay xafiiskiisa kulan kula qaatay Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo ay ka wadahadleen xilka cusub iyo qaabka howlgalka wasiirka laga sugayo, iyadoo kulan saacad ka badan qaatay kadib ay kulan kale isugu tageen xafiiska Madaxweynaha.

Kulanka labaad eee saddex geesoodka ahaa oo ay ka qeyb galeen madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Wasiir Sabriye ayaa ahaa mid albaabada loo xirtay oo oo saddexda mas’uul ah arrimo gaara uga wadahadleen.

Warar ku dhowdhow wasiirka cusub ayaa sheegaya in madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha ay ka dalbadeen inuu la wareego dejinta xiisadda siyaasadeed ee ay wadaan siyaasiyiinta beesha uu kasoo jeedo, iyadoo ay ku taageeri doonaan qorshe kasta oo uu la yimaado.

Wasiirka cusub ee Arrimaha gudaha Cabdi Maxamed Sabriye ayaa lagu wadaa in maanta loo dhaariyo xilka loo magacaabay, iyadoo markaas kadib uu jagada la wareegi doono, waxaana arrimaha ugu adag ee sugaya ka mida xaaladda siyaasadda, kiiska C/raxmaan C/shakuur iyo dhaqangelinta heshiiska Galmudug iyo Ahlu suna.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post faahfaahin laga helay kulan xasaasi ah oo dhex maray Wasiirka cusub ee Arrimaha Gudaha, Madaxweynaha & Ra’iisal wasaaraha..? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this