Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Maareeye Shalay Mooshin Ayuu Ka Keenay…Maanta Isagoo Wasiir Ah Ayey Heysataa?!

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaan Maxamed Xayir Maareeye oo ka tirsan guddiga beeraha, horumarinta reer miyiga iyo kaluumeysiga ayaa golaha shacabka hor keenay bishii August ee sanadkii tagay mooshin la xiriira sharciyeynta in dalka Soomaaliya laga joojiyo in la soo dhoofiyo alaab iyo badeecooyin laga heli karo dalka gudahiisa ama ay soo saari karaan ganacsato Soomaaliyeed sida Cusbada, Kaluunka, Galeyda, Digirta, Caano boodhaha..kuwaas oo sida uu sheegay keenistooda leedahay Khasaare dhaqaale, mid caafimaad iyo deegaan sida qaadka iyo bacaha!!

Hadaba, Xildhibaan Maareeye oo mooshinkaas hor-keenay golaha shacabka ayaa hadda loo magacaabay wasiirka ganacsiga iyo warashadaha, waa nin xujeysan, oo isaga ayey maanta heysataa, waxaana lagula xisaabtami-doonaa in uu ka dhabeeyo wixii uu wasaaradaha ku hesytay!

Hadaba, Aan Akhristayaasha Goobjoog News dib u xusuusinno Mooshinka Xildhibaan ee Maareeye ee ku aadanaa sharciyeynta in dalka Soomaaliya laga joojiyo in la soo dhoofiyo alaab iyo badeecooyin laga heli karo dalka gudahiisa ama ay soo saari karaan ganacsato Soomaaliyeed.

Mooshinka Xildhibaan Maxamed Xayir Maareeye Ee August 2017:

Mudanayaal iyo marwooyin, dawlad kasta oo adduunka ka jirta waxaa mas’uuliyadeeda 1aad tahay in ay dalkeeda iyo dadkeeda ka ilaaliso wax kasta oo u keeni kara dhibaato iyo xad gudub dhaqaale, caafimaad, amni, degenaanshiyo la’aan, maskax guur, faqri iyo wixii la mid ah.

Hadaba, maadaama aynu gacmaheena ku burburinay dawladdii dhexe ee Soomaaliya 1991, dalkeenuna noqday meel fowdo ah oo cid kasta oo kastaa keeni karto kana qaadan karto wixii ay doonto, waxaa dalkeenna iyo dadkeenna ku socda dhibaatooyin iyo xadgudubyo dhaqaale iyo caafimaad oo ay ka mid yihiin:

  1. Waxa dadkeennii laga dhigayaa dad maskaxda iyo muruqa curyaan ka ah oo aan waxba qabsan karin, waxna soo saran karin ee u baahan in weligood la quudiyo.
  2. Si taas loo xaqiijiyo waxaa dalka qiimo aad u jaban lagu keenayaa alaabooyin iyo badeecooyin tayadoodu aad u hoosayso, oo ay ku jiraan kuwii dadkeenu soo saari jireen ee Soomaaliya ka buuxay, si beeraleydii iyo ganacsatadii alaabtaas soo saara ama ka ganacsada ugu khasaaraan ama u joojiyaan.
  3. Dhinaca qaadka iyo bacuhu waxaa ay dhibaato caafimaad, mid dhaqaale iyo deegaan ku hayaan dadkeena iyo dalkeena, tusaale ahaan(1) Qaadka oo lagu qiyaaso in ay maalintii Soomaaliya ku khasaarto USD 500,000,00 waa daroogo u xun caafimaadka iyo dhaqanka bulshadeenna oo aan wax faa’ido ah u laheyn dadkeena, isla markaana aaney jirin wax heshiis wax is dhaafsi ah oo aan kula jirno dalalka inoo soo dhoofiya (2) Bacaha waxaa ay keenaan dhibaato deegaan, nabaadguur iyo roobab la’aan.

Mudanayaal kuligeen waan xanaaqi laheyn haddii aan maqalno ciidamo ajnabi ayaa soo galay dalkeena Soomaaliya, laakin nasiib darro ama ma dareemayno dhibaatada ay dadkeena iyo dalkeena u leeyihiin in ay soo galaan cuntooyin iyo badeecooyin ajnebi ah oo aan wax Kontoroollo ah laheyn, kuwaas oo haddii aan la xakameyn inoo keeno kara khasaare la mid ah ama ka xun kana ay geysan karaan ciidamada ajnebi ah oo dalkaada soo gala.

Mudanayaal haddii aynaan wax ka qaban dhibaatooyinka dadkeena heysta ee dhinacyada bulshada, dhaqaalaha iyo caafimaadka kuma guuleysan karno kuwa siyaasadda iyo amni ee aynu xoogga badan gelinno, sidaasi awgeed waxaa soo jeedinayaa:

  1. In Baarlamaanka Soomaaliyeed ku amro wasaaradaha dowladda ee arrintani quseyso sida wasaaradda beeraha, xoolaha, kaluumeysiga in ay baarlamaanka horkeenaan daraasad muujineysa badeecadaha laga soo saaro ama laga soo saari karo dalka Soomaaliya iyo sida loo kala hor marin karo joojintooda, kadibna aynu soo saarno sharci mamnuucaya in dalkeena loo soo dhoofiyo cuntooyinka iyo badeecooyinkaas.
  2. In xukuumadda ra’isul wasaare Xasan Kheyre la timaado siyaasad ku dhiirigelineysa ganacsatada Soomaaliyeed maalgeshiga wax soo saarka iyo warshadeynta dalka, waxna ka qabto qiimaha korontada oo dad badan u diidan iney warshado dalka keenaa.
  3.  In dowladaha inoo soo dhoofiya qaadka lala galo heshiis ganacsi oo ganacsatada Soomaaliyeed u ogaalanaya in ay dalkooda geeyaan cuntooyinka dalkeenna ka soo baxa sida kaluunka, xoolaha iyo wixii la midka ah si aynu uga kabanno dhiigbaxa dhaqaale ee qaadka inoo geysanayo maalin kasta.

Hadaba Wasiirka cusub ee loo magacaabay ganacsiga iyo warashada Xildhibaan Maxamed Xayir Maareeye ma fulin-doonaa arrimaha uu codsaday isaga oo Xildhibaan keliya ah?!

Wasiirka dalka maka joojin-doonaa soo dhoofinta alaab iyo badeecooyin laga heli karo dalka gudahiisa ama ay soo saari karaan ganacsato Soomaaliyeed?!

Wasiirka cusub Mr. Maareeye ma sameyn-doonaa meelo laga helo Cusbada, Kaluunka, Galeyda, Digirta, Caano boodhaha oo gudaha lagu sameeyay?!

Wasiirka ma joojin-doona badeecooyin uu sheegay  keenistooda iy leedahay Khasaare dhaqaale, mid caafimaad iyo deegaan sida qaadka iyo bacaha?!

Goobjoog News

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this