Sign in to follow this  
Deeq A.

Aadan Baree oo hal arrin ku micneeyay ku adkeysiga dhismaha darbiga Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Hogaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya Aaden Barre Ducaale, ayaa shaaca ka qaaday sababta ka danbeysay in dowlada Kenya ay ku dhaga adeegto dhismaha darbiga.

Aaden Barre Ducaale, waxa uu sheegay in sababta ugu weyn oo ay u dhisayaan darbiga ay tahay inay ku khasabtay al-Shabaab, waxa uuna tilmaamay inay korortay dhibaatooyinka ay geystaan Shabaabka.

Aaden Barre Ducaale, waxa uu tilmaamay in dhismaha darbiga laga bixiyay hadalo kala duwan, balse waxa uu cadeeyay in xaqiiqda ugu weyn ay xiligaan tahay al-Shabaab oo kusii kordheysa deegaanada Soomaalida.

Waxaa uu sheegay in darbiga laga maarmi doono keliya haddii ay dhacdo in laga takhluusiyo al-Shabaab ama la ciribtiro.

Wuxuu intaa raaciyay in dowladda Kenya ay ballanqaaday inaanu si kale ku joojin doonin dhismaha darbiga, iyadoo aan meel lagu hubsan maleeshiyaadkaal-Shabaab.

Todobaadkii la soo dhaafay, waxaa muran ka dhex taagnaa dadka ku nool magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo iyo ciidamada Kenya oo la sheegay in ay waddeen dhul balaarsi.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Aadan Baree oo hal arrin ku micneeyay ku adkeysiga dhismaha darbiga Kenya appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this