Sign in to follow this  
Deeq A.

Hoggaamiye ku-xigeenka al-Shabaab oo lagu daray liiska argagixisada la doon-doonayo + Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in liiska Argagixiso ay ku dartay Hoggaamiye ku-xigeenka al-Shabaab ee Somalia.

Warbixinta lagu muujiyay in liiska Argagixiso lagu daray Hoggaamiye ku xigeenka, ayaa waxaa lagu xusay Abuukar Cali Aadan oo la sheegay inuu yahay shaqsiga ku-xigeenka ka ah Shabaab.

Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in shaqsigaasi ay u aqoonsadeen halis sii kordheysa oo ku cusub Somalia, sidaa aawgeed ay ugu dareen liiska argagixisada.

Hoggaamiye ku xigeenka, Abuukar Cali Aadan ayaa la sheegay inuu ka danbeeyay abaabulka weeraro ka tan cuslaa kuwii hore, sidaana uu ku muteystay in lagu daro liiska.

Waxaa sidoo kale Abuukar Cali Aadan laga xanibay hantidiisa caalamka ,gaar ahaan mida Mareykanka, waxaana sidoo kale laga digay in muwaadiniinta uu xiriirka kala dhexeeyo Abuukar Cali ay xiriir la sameeyan.

Sidoo kale, Abuukar Cali, ayaa la sheegay inuu ka halis badan yahay Hogaamiyaha maleeshiyada, waxa uuna shaqsigaan ku fogaaday howlaha argagixiso iyo naceybka nabada iyo xasiloonida.

Si kastaba ha ahaatee, Mareykanka ayaa horay liiska argagixisada ugu dartay xubno ka tirsan al-Shabaab iyo sidoo kale Kooxda Daacish qeybteeda Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Hoggaamiye ku-xigeenka al-Shabaab oo lagu daray liiska argagixisada la doon-doonayo + Sababta appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this