Sign in to follow this  
Deeq A.

Kheyre oo shaaciyay sababta ay u magacaabi la’ yihiin Taliyayaasha Hay’adaha amaanka Booliska iyo NISA

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa ka hadlay sababta ay dowlada Federaalka u magacaabi la’ dahay Taliyayaasha Hay’adaha amaanka Booliska iyo Nabadsugida.

Kheyre waxa uu sheegay in dowlada Federaalka aysan magac ka raaceynin Taliyayaasha Hay’adahaasi ee la magacaaba, waxa uuna taa bedelkeeda sheegay inay jiraan Taliye xigeeno howsha sii wada.

Kheyre waxa uu tilmaamay in xiligaan ay ahmiyad u arkaan keliya inay sii socto howsha amni ee dalka, isla markaana ay iminka ku socto si wanaagsan.

Waxa uu Kheyre carab dhabay inaanu sahlaneyn magacaabida Taliye Hay’ad amni, balse ay fududaha in laga qaado xilka sidaa aawgeed ay xooga saarayaan in Taliyayaasha aan weli la magacaabin lagu soo xulo karti iyo in shaqsiga la magacaabayo uu yahay mid ka bixikara.

Kheyre wuxuu sheegay muhiim inay tahay mas’uuliyadda qaran ee dalka in dusha loo saaro qof ka soo bixi karo, marka la eego marxaladda dalka ee horay u socodka ah ee xilligaan lagu guda jiro.

Dhinaca kale, Kheyre ayaa ku nuux-nuuxsaday inaysan eegi doonin Taliyayaasha aan weli magacawneen, balse ay eegi doonaan keliya waxqabadkiisa iyo Khibrada shaqsiga la magacaabayo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Kheyre oo shaaciyay sababta ay u magacaabi la’ yihiin Taliyayaasha Hay’adaha amaanka Booliska iyo NISA appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this