Sign in to follow this  
Deeq A.

Soo dhowaynta madaxweyne FarmMaaajo oo si weyn looga dareemayo caasimadda Puntland.

Recommended Posts

Deeq A.   

Soo dhowaynta madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya, Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa si weyn looga dareemayaa magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

Caasimadda Puntland ee Garowe waxaa laga dareemayaa mashqul baddan, tan iyo shalay waxaa gaaray wafuud kala duwan oo horu-dhac u ah wafdiga madaxweynaha, goobaha ay dadweynaha isugu yimaaddan, waddooyinka iyo barxadda bartamaha magaalada ayaa lugu xardhey calanka jamhuuriyada iyo calanka Puntland intaas waxaa dheer in meel walba la dhigay boorar ay ku qoranyihiin erayo lugu soo dhaweynayo madaxweynaha. Sidoo kale baraha bulshada ayaa aad looga dareemay booqashada uu madaxweynaha ku tagayo Puntland.

Xubno katirsan guddiga qaban qaabada soo dhowaynta madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa warsidaha Puntlandi u sheegay inay haatan ku mashquulsan yihiin xafladii xarriga looga jari lahaa garoonka diyaaradaha Garowe, waxayna sheegeen madaxweyne Farmaajo inuu ahaandoono qofka ugu horeeya ee kasoo dega madaarka Garowe.

Madaarka diyaaradaha Garowe ayaa si casri ah loo dhisay, inkastoo aan weli si rasmi ah loo dhameystirin, waxaana harsan qeybo yar oo lagu dhameyndoono muddo labo bilood ah.

Puntlandi.com

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this