Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo Markii ugu horeeysay safar ku tagaya Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa safarkiisii ugu horeeyay ee tan iyo markii uu madaxweynaha noqday Maalinta Bari oo Axad ah ku tagaya Magaalada Garoowe.

Qaban qaabo balaaran oo lagu soo dhoweeynayo madaxweyne Farmaajo ayaa laga dareemayaa Magaalada Garoowe ee Caasimada Maamulka Puntland.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xariga ka jari doono garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe halkaasi oo dib u dayactir balaaran lagu sameeyay.

Sidoo Kale Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qaybgali doono Sanadguuradii 4-aad ee ka soo wareegatay Markii uu Madaxweyne Gaas ku guuleeystay madaxweynaha Puntland oo 8-da Bishaan ka dhaceeysa Garoowe.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale Waxa uu u safri doonaa Magaalada Qardho halkaasi uu kula kulmi doono Boqor Burhaan Boqor Muuse.

Madaxweynaha Ayaa sida qorshahu yahay waxa uu safarkiisa ku soo gaba gabeeyn doono Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland.

Qaban qaabada Soo dhoweynta Madaxweynaha ayaa si aad ah looga dareemayaa Deegaanada Puntland waxaana sawirka madaxweynaha lagu xardhay magaalooyinka Puntland.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho

The post Madaxweyne Farmaajo oo Markii ugu horeeysay safar ku tagaya Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this