Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Jabuuti oo qarax lagula eegtay Buulo Barde

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Hiiraan ee Bartamaha dhulka Soomaaliya ayaa ku waramaya in Ciidamada Djabuuti ee qeeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya qarax Miino lagula eegtay Duleedka Degmada Buulo Barde shalay oo Jimco aheyd.

Qaraxaasi ayaa waxaa ku dhintay Askar katirsan Ciidamadaasi Djabuuti inkastoo aan si rasmi ah loo sheegin tirada guud ee ku dhimatay qaraxaasi.

Kadib markii uu dhacay qaraxaasi ayaa ciidamada Djabuuti Shalay ilaa xalay waxa ay wadeen howlgalo cuslus.

Saraakiil katirsan Ciidamada Djabuuti ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen dadkii ka dambeeyay qaraxaasi.

Ciidamada Jabuuti ayaa saakay sidoo kale ku faafay Duleedka Degmada Buulo Barde halkaasi oo ay howlgalo ka wadaan.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post 

The post Ciidamada Jabuuti oo qarax lagula eegtay Buulo Barde appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this