Deeq A. Posted January 6, 2018 Wararka naga soo gaaraya Gobolka Hiiraan ee Bartamaha dhulka Soomaaliya ayaa ku waramaya in Ciidamada Djabuuti ee qeeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya qarax Miino lagula eegtay Duleedka Degmada Buulo Barde shalay oo Jimco aheyd. Qaraxaasi ayaa waxaa ku dhintay Askar katirsan Ciidamadaasi Djabuuti inkastoo aan si rasmi ah loo sheegin tirada guud ee ku dhimatay qaraxaasi. Kadib markii uu dhacay qaraxaasi ayaa ciidamada Djabuuti Shalay ilaa xalay waxa ay wadeen howlgalo cuslus. Saraakiil katirsan Ciidamada Djabuuti ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen dadkii ka dambeeyay qaraxaasi. Ciidamada Jabuuti ayaa saakay sidoo kale ku faafay Duleedka Degmada Buulo Barde halkaasi oo ay howlgalo ka wadaan. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Ciidamada Jabuuti oo qarax lagula eegtay Buulo Barde appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites