Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhismaha Garoonka Diyaaradaha Garoowe Oo Gabogabo Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo kormeeray garoonka diyaaradaha Garoowe oo dhismo ku socota ayaa sheegay in maalmaha soo aadan lasoo gabagbeynayo dhismaha, islamarkaana garoonka uu shaqo bilaabi doono.

Gaas ayaa warbixin ka dhageystay howlwadeennada ku howlan dhismaha garoonkan oo qaab casri ah loo dhisayo.

Sida qorshaha yahay waxaa garoonkan xarigga laga jari doonaa 8-da bishan, iyadoo lagu wado inuu xarigga ka jaro madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo.

Garoowe oo xarun u ah maamulka Puntland ayaa horey u lahayn garoon caalami ah, balse dedaal badan  kadib ayaa lagu guuleystay in la dhiso garoon qaab casri ah u dhisan.

Goobjoog News

 

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this