Sign in to follow this  
Deeq A.

Ducaale:-“Al-shabaab ayaa Nagu Qasbay Dhismaha Derbiga Xuduudka Soomaliya iyo Kenya”

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaan Aadan barre Ducaale oo ah Hogaamiyaha Aqlabiyada dalka Kenya ayaa hadlay darbiga Dowlada Kenya ay ka dhiseeyso xadka Soomaaliya iyo kenya.

Xildhibaan Ducaale oo La hadlay laanta Af Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in darbigaasi Kenya ay ku qasabtay in ay dhistaan Al-Shabaab.

Waxa uu Sheegay in qatar Amni ay ka imaaneeyso Al-Shabaab islamarkaasina Kenya ay Amaankeeda adkeeneeyso.

Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay in haddii laga adkaado Al-Shabaab in dowlada Kenya ay joojin doonto dhismaha darbigaasi.

Dowlada Kenya ayaa wado dhismaha darbi ay ka dhiseeyso xadka Soomaaliya iyo kenya waxaana dowlada Kenya lagu eedeeyay in ay soo xad gudubtay Xadka Soomaaliya.

Hoos ka Dhageyso Codka 

http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/01/Aadan-Barre-Ducaale.mp3

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho

The post Ducaale:-“Al-shabaab ayaa Nagu Qasbay Dhismaha Derbiga Xuduudka Soomaliya iyo Kenya” appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this