Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Puntland Oo Howlgal Ka Wada Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxay sheegayaan  in ciidamada ammaanka ee Puntland ay saakay howlgal ballaaran ka wadaan xaafadaha magaaladaasi.

Waxay ciidamada daba socdaan shaqsiyaad dil u geystay sarkaal ka tirsanaa ciidanka ilaaliya dekadda Boosaaso.

Sarkaalka la diley ayaa lagu magacaabaa Xasan Xiireey, waxaana raggii diley oo ku hubeysnaa Bistoolado ay isaga baxsadeen goobtaasi.

Dad ka badan 20 ayaa howlgalkaan lagu soo qabtay, kuwaasi oo lagu baarayo saldhigga Boosaaso.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalkaan weli wax faah faahin ah saxaafadda kama anaay siin howlgalkaan socda.

Amniga Boosaaso ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay ahaa mid faraha kasii baxayey, waxaana magaaladaasi kusoo badanayey dilalka iyo qaraxyada.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this