Sign in to follow this  
Deeq A.

Koox Hubeeysan oo Labo Wiil oo Walaalo ahaa ku Dishay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Koox Hubeeysan ayaa Degmada Xamar Weyne ee Magaalada Muqdisho ku dishay Labo Nin oo Dhalinyaro ahaa.

Dilkaan ayaa waxa uu ka dhacay Koodka Degmada Xamarweyne ee Magaalada Muqdisho.

Kooxdaan hubeeysan ayaa waxa ay toogteen Labo wiil oo dhalinyaro ahaa oo la sheegay in ay ahaayeen ilmo adeer.

Labadaan Wiil ee dhalinyarada ahaa ee xalay la dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray Xuseen Cismaan Siidow iyo Cumar Maxamed Axmed Caafi.

Waxaa Masuuliyada dilkaasi Sheegtay Al-Shabaab oo warar ay ku baahiyeen warbaahintooda ku sheegay in ay katirsanaayeen Ciidamada NISA dhalinyaradaasi iyagana ayu dileen.

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaca dilal qorsheeysan oo masuuliyadooda ay sheegtay Kooxda Al-Shabaab.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho

The post Koox Hubeeysan oo Labo Wiil oo Walaalo ahaa ku Dishay Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this