Sign in to follow this  
Deeq A.

Macron: Ma Jirto Fursad Uu Turkiga Uu Ugu Biiro Midowga Yurub

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Faransiiska,  Emmanuel Macron,  ayaa u sheegay dhiggiisa Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, in aaney jirin hadda Fursad uu Turkiga ugu soo biro midowga Yurub.

Shir jaraa’di oo si wadajir ah ay ugu qabteen magaalada Paris ayuu Macron ku sheegay inay jirto cabsi ku aadan dhanka xuquuqul insaanka tan iyo markii Turkiga uu bilaabay olole lagu sifeynayo dadkii ka dambeeyay afgambigii fashilmay  2016 kii.

Dhankiisa madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in Turkiga uu daalay sida uu ugu qeylinayey Yurub si uu ugu biro Midowga Reer Yurub.

Edogan ayaa ku eedeynaya Midowga Yurub dhagar iyo inay Turkiga waqtiga ka lumiyaan.

Macron ayaa dhankiisa tilaamay inay muhiim tahay in Faransiiska uu ilaaliyo xariirka dhow ee uu laleeyahay dhiggiisa Ankara,waxayna labada madaxweyne ay hoosta ka xariiqeen inay iska kaashadaan dagaalka ka dhanka ururka Daacish.

Goobjoog News

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this