Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo : – Beesha Hawiye oo taladii dalka maroorsaday, isla markaana aan u kala harin soo dhaweynta Wasiirka Cusub ee Arimaha Gudaha

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka soo baxaya magaalada Muqdisho ayaa tibaaxaya in maanta si weyn oo aan loo kala harin ay beesha Hawiye garoonka Dayaaradaha ee Aden Cade ugu soo dhaweyeen Wasiirka Cusub ee loo magacaabay Wasaarada Arimaha Gudaha Mudane Cabdi Maxamed Sabriye.

Soo dhaweynta Wasiirka oo caadifad weyn iyo jibo qabiil ka muuqtay, ayaa waxaa horboodayey oo ka qeyb galay, khudbado xamaasadeedsana ka jeediyey xubno ka tirasan golaha Wasiirada Dawlada Federaalka Somaaliyeed, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, Xildhibaano ka tirsan labda gole, Siyaasiin hore, Oday dhaqameedyo iyo xubno ka socday ururada bulshada.

Soo dhaweynta Wasiirka ayaa u muuqtay dhoolotus siyaasadeed oo beesha Hawiye ku muujinayso sida ay ugu farxsan yihiin, ee ay u afduubeen taladii dalka, isla markaana ay mar kale u hantiyeen xilka iyo masuuliyada Wasaarada Arimaha Gudaha, oo ay mudo sannad ku dhow ay ku taamayeen, halgana adagna u galeen sidii ay gacantooda ugu soo noqon laheyd,xilkan oo ay beeshu haysay mudadii 27 sano ee ina soo dhaaftay.

Waxaa yaab laheyd oo soo dhaweynta qabiil ee Wasiirku mideysay oo isu keentay xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Dawlada Federaalka ah iyo Xubno lagu ogaa in ay ka mid ahaayeen ururada argagixisada ah ee Xisbul Islaam iyo Shabaab oo uu ka mid ahaa Ugaas Cabdi Daahir.

Isku soo wada duub waxay soo dhaweynta Wasiirku marada ka feyday, oo ay banaanka soo dhigtay tuhunkii shacbiga Somaaliyeed iyo Beesha Caalamkuba qabeen ee aheyd in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu go’doon siyaasadeed ku yahay guriga Madaxtooyada ee Villa Somalia.

Halkan ka daawo jibada soo dhaweynta Wasiirka cusub ee Arimaha Gudaha.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this