Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Gaas oo sheegay in Garoonka diyaaradaha Garoowe uu noqon doono sida garoomada Adduunka.

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa Maanta soo kormeeray Garoonka diyaaradahaa magaalada Garoowe oo dhismihiisu dhammaaday.

Garoonka cusub ee diyaaradaha magaalada Garoowe oo loo dhisay qaab casri ah ayaa la filayaa in si rasmi ah loo daah-furo 8 bishaan Jen,waxaana furitaankiisa ka soo qeyb galaya madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxammed Cabdullaahi Farmaajo,sid qorshuhu yahay.

Madaxweynaha Puntland oo ay weheliyaan mas’uuliyiin ka socotay labada Gole ee dowladda iyo maamulka gobolka Nugaal ayaa Maanta kormeeray dhammaan qeybaha uu ka koobanyahay Garoonka cusub,sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Madaxtooyada oo Warbaahinta loo qeybiyey.

Mudane. Gaas ayaa xaqiijiyay in Garoonka loo dhisay sidii loogu talo galay,islamarkaana uu noqon doona mid u shaqeeya sida garoomada Adduunka.

aa-1.jpg?resize=600%2C338bb-1.jpg?resize=600%2C338cc.jpg?resize=600%2C338dd.jpg?resize=600%2C338ee.jpg?resize=600%2C338ff.jpg?resize=600%2C338

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Gaas oo sheegay in Garoonka diyaaradaha Garoowe uu noqon doono sida garoomada Adduunka. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this