Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxwaynaha Puntland oo kormeeray Garoonka diyaaradaha Ee Garowe.

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxwaynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanata oo taariikhdu tahay 06 January 2018 soo kormeeray  Garoonka diyaaradahaa magaalada Garoowe oo dhismihiisu soo gaba-geboobay.

Kormeerka ayaa waxaa  Madaxwaynaha ku wehelinayay Wasiirka wasaarada duulista iyo hawada ee dawladda Puntland, wasiir ku xigeenka wasaaradaasi, maamulka gobolka nugaal, kan degmada Garoowe, masuuliyiin isugu jiray wasiiro, xildhibaano, saraakiil katirsan Madaxtooyada dawladda puntland, iyo masuuliyiin kale.

Madaxwaynaha dawladda Puntland ayaa ugu horayn soo kormeeray dhammaan dhismaha garoonka, isagoona Madaxwaynuhu dul istaagay qaybaha uu ka koobanyahay garoonka cusub,  madaxwaynaha, ayaa xog waraystay shaqaalaha kashaqeeya dhismahaasi, sidoo kale Madaxwaynaha ayaa ku amaanay masuuliyiinta wasaarada duulista iyo hawda ee puntland sida wanaagsan ee ay uga soo baxeen shaqadii loo igmaday, isla markaana waxaa uu Madaxwaynuhu xaqiijiyay in garoonka loo dhisay sidii uu qorshuhu ahaa ee loogu tala galay, madaxwaynaha dawlada puntland ayaa sheegay in dhismaha cusub ee garoonka xadhiga laga jari doono 08 january 2018.

Dhinaca kale Madaxwaynaha ayaa xaqiijiyay in dhismaha garoonku uu marayo wejigii ugu danbeeyay, isla mar ahaantaana uu garoonku noqon doono mid u shaqeeya sida garoomada aduunka.

Ugu danbayn Madaxwaynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kula dar daar may hawl-wadeenada gacanta ku haya dhismaha garoonka diyaaradaha Garoowe ilaa inta  lagala wareegayo dhismaha cusub in ay sii wadaan shaqadooda.

1-2.jpg 2-2.jpg 3-1.jpg 26169795_2055265461417640_31736685762771 26168631_2055265551417631_39456995130441 26166913_2055265701417616_88978594949427 26166887_2055265888084264_34140032460252 26169274_2055266128084240_59868704465636 26169432_2055263768084476_80061549449018 26169495_2055263754751144_47415803244059

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this