Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaramada Midoobay oo dalka Yemen ku tilmaantay meel Qiyaamihii ka dhacay.

Recommended Posts

Deeq A.   

Qiyamadii.jpg?resize=600%2C338

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Banii’aadanimada,Mark Lokoc ayaa ka digay in haddii aan wax laga qaban xaaladda dalka Yemen ay ka dhacayso musiibadii ugu xumeyd muddo ku siman 50 sano.

Mr.Lokoc oo wareysi siinayey Aljazeera ayaa ku tilmaamay xaaladda haatan ee waddanka Yemen in ay u muuqato meel Qiyaamihii ka dhacay,wuxuuna sheegay in Sanduuq gaar ah laga sameyn doono Qaramada Midoobay,si loogu taageero gargaarka deg degga ah,sanduuqaas oo noqon doona kii ugu weynaa ee gargaar ah taariikhda Qaramada Midoobay.

Hadalkiis ayaa ku soo beegmay xilli Xafiiska Isku dubbarida Arrimaha gargaarka ee Qaramada Midoobay uu soo saaray warbixin ku baaqaysa in gurmad deg deg ah lala gaaro waddanka Yemen bilowga sannadkaan 2018,iyadoo ay ka sii darayso colaadda dalkaasi.

In ka badan 22 malyan oo ruux ayaa u baahan ilaalin iyo gargaar banii’aadannimo,kuwaasoo in ka badan 11 malyan oo kamid ah ay u baahan yihiin gurmad deg deg ah,sida warbixinta lagu xusay. Sidoo kale dadka rayidka ah ayaa wajahaya khatar weyn oo uga imaanaysa dhinacyada dagaallamaya,waxaana ilaa iyo haatan dhimashadu gaaraysa in ka badan 8000(Sideed kun),halka saddex malyan oo kalena ay ka carareen guryahooda.

Warbixinta Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in ku dhowaad 18 malyan oo ruux aanay haysan cunto nadiif ah,halka 16 malyan oo kalena ay harraad u dhimanayaan. Hay’adaha gargaarka ayaa Is-bahaysiga Sacuudiga ka dalbanaya in ay go’doonka ka qaadaan dalka yemen,si gurmad loo gaarsiiyo.

Xigasho: Aljazeera Arabic

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar

The post Qaramada Midoobay oo dalka Yemen ku tilmaantay meel Qiyaamihii ka dhacay. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this