Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin qaxooti Soomaali ah oo kufsi u geystay Kalkaaliso Talyaani ah.

Recommended Posts

Deeq A.   

Nin Soomaali qaxooti ah ayaa kufsaday haweeney kalkaaliso ah oo ka shaqeynaysay Isbitaal ku yaalla magaalada Rome,sida laga soo xigtay Jaraa’idka Waddanka Talyaaniga.

Warbaahinta Talyaaniga ayaa ku warrantay in ninkaan oo da’diisu tahay 38 jir uu kufsi u geystay haweeney Kalkaaliso ah oo ku jirtay Qeybta Shaybaarka ee Isbitaalka Sant’Eugenio. Haweeneyda oo da’deeda lagu sheegay 43 sano jir aya shaqeynaysay xilliga tacaddiga loo geystay,sida ay qortay Jaraa’idka Maxalliga ah.

Ninka kufsiga geystay ayaa la sheegay in uu dhar ka soo xaday kalkaaliso kale oo Isbtitaalka ka shaqeysa,si aanay u garan haweeneyda uu tacaddiga u geystay,taasoo keentay in aanay dareemin ilaa uu dharbaaxo ku bilaabay,inkastoo iyaduna iskacaabisay,sida ay soo weriyeen shaqaalihii Caafimaadka.

Mas’uuliyiinta Amniga magaalada Rome ayaa sheegay in markii dambe la qabtay shakhsiga tacadiga ku kacay oo muddo 5 sano ah qaxooti ku ahaa Talyaaniga,balse ma ay xusin magaciisa.

Kufsiga ayaa dhacay habeenkii damaashaadka sannadka Cusub,waxaana mar ninkaan maxkamad la horgeeyay la weydiiyey sababta uu Isbitaalka u aaday habeenkii damaashaadka?balse wuxuu ku jawaabay“Ilaah baa yaqaan”,sida uu qoray Wargeeska La Stampa ee dalka Talyaaniga.

Wargeeska ayaa intaas ku daray in ninkaan laga baarayo cudurrada maskaxda,islamarkaana maxkamad mar kale la soo taagayo 10 bishaan Jen 2018.

PUNTLAND POST

The post Nin qaxooti Soomaali ah oo kufsi u geystay Kalkaaliso Talyaani ah. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this