Sign in to follow this  
Deeq A.

Faransiiska oo digniin culus u kala diray Seddex dowladood oo colaad hurinaaya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa uga digay wadamada Maraykanka, Israel iyo Sacuudi Carabiya inay ka fiirsadaan hadalada colaada kicin kara ee ku aadan xaalada kacsan ee Iran, isaga oo ugu baaqay in ay joojiyaan ereyadooda, nacaybka taas oo uu sheegay, inay horseedi karto “dagaal”.

“Dhaqanka  ay wadaan Maraykanka, Israel iyo Sacuudi Carabiya, kuwaas oo aan xiriir dhow la leenahay ayaa waxay nagu horseedi karaan dagaal,”ayuu u sheegay saxaafada Emmanuel Macron Arbacadii.

Madaxweynihii Faransiiska ayaa ka digay in dalalka qaarkood, siyaasada colaadeed ay tahay mid “istaraatiijiyad toos ah.”

Macron ayaa hoosta ka xariiqay baahida loo qabo in la sii wado “xiriir joogto ah” oo lala yeesho Iran iyada oo la raadinayo wadiiqo “lagu kordhin karo cadaadiska caalamiga ah” ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah.

Macron ayaa sidoo kale ka digay in Mareykanka iyo xulafadiisu ay halis ugu jiraan in ay ku lug yeeshaan “khilaafka ba’an ee xad-dhaafka ah” iyaga oo u adeegsanaya  siyaasadahooda colaada ee ka dhanka ah Iran.

Toddobaadkii hore, tiro dibad-baxyo nabad ah ayaa ka bilowday meelo badan oo dalka Iran, iyada oo ay ka qaybgalayaashu ugu baaqayaan mas’uuliyiinta in ay wax ka qabtaan arrimaha dhaqaalaha.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Faransiiska oo digniin culus u kala diray Seddex dowladood oo colaad hurinaaya appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this