Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubbaland oo soo bandhigtay Sarkaal howl muhiim u hayay Shabaab oo isa soo dhiibay+Sawir

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada amaanka maamulka Jubbaland ayaa qaabilay Sarkaal ka tirsan maleeshiyaadka al-Shabaab, kaa oo isku dhiibay ciidamada maamulka ee ka howlgala Degmadda Doolow ee Gobolka Gedo.

Sarkaalkan ayaa waxaa gacanta ku haya Saraakiisha  ciidamada Doolow, waxaana lasoo sheegayaa inuu kasoo goostay al-Shabaab.

Sarkaalkan ayaa waxaa iminka laga xog wareysanayaa ku jiritaankiisa Shabaab iyo asbaabaha keenay inuu kasoo goosto xiligaan kala guurka ah.

Sarkaalkan ayaa waxaa lagu magacaabaa Aadan Ibraahim, waxaana uu kamid ahaa Saraakiisha al-Shabaab u qaabilsan dhanka Howlgalada iyo uruurinta lacagta Shabaab ay u yaqaanaan Zakawaadka.

Aadan Ibraahim, waxa uu is dhiibitaankiisa ku sheegay in al-Shabaab hadda dhexdooda uu ka jiro kala shaki aad u weyn, sidoo kalena uu kala kulmay dhibaatooyin fara badan.

Aadan Ibraahim ayaa sawirro laga soo qaaday waxaa ka muuqday Diif iyo Daal fara badan, waxaana loo maleynayaa inuu soo galay safar dheer, sidoo kale wuxuu watay Darees Ciidan iyo Qori AK-47 ah.

Shabaab.jpg?w=696

The post Jubbaland oo soo bandhigtay Sarkaal howl muhiim u hayay Shabaab oo isa soo dhiibay+Sawir appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this