Sign in to follow this  
Deeq A.

Suudaan Oo U Yeertay Safiirkeeda Qaahira

Recommended Posts

Deeq A.   

Dalka Suudaan ayaa Khamiistii dib ugu yeeray safiirka dalkaasi u fadhiyo Masar iyada oo aan la shaacin sababta iyo inta uu Khartoum sii joogi-doono.

Qoraal soo baxay waxaa ku qornaa“ Safaaradda Masar ee Khartoum waxaa 4 January loo geeyay warqad lagu sheegayo in dib loogu yeerayo safiirka Suudaan ee Qaahira si loola tashto, Masar waxaa ay iyada qiimeyn ku wadaa xaaladda si ay jawaab uga bixiso”

Xiriirka Masar iyo Suudaan waxaa uu xumaaday markii uu madaxweynaha Suudaan Cumar Al-bashir uu sheegay in Masar taageerto kooxaha xukuumadiisa ka soo horjeeda ee Darfur.

Waxaa kale uu xiriirka sii xumaaday markii uu bishii hore Jaziirad dalkaasi ah ka kireeyay dalka Turkiga oo Masaariga loolan kala dhaxeeyo.

Goobjoog News

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this