Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Maraykanka oo liis Cusub ku dartay Ku xigeenka Amiirka Al-shabaab iyo Saraakiil kale.

Recommended Posts

Deeq A.   

Waaxda Arrimaha Debadda Maraykanka ee The State Department,ayaa liiska argagixisada Caalamiga ah ee sida gaarka ah loo raadinayo ku dartay saddex kamid ah Saraakiisha sare Al-Qaacida ee ku kala sugan dalalka Yemen,Soomaaliya iyo Waqooyiga Afrika.

Saddexdan Sarkaal oo magacyadooda lagu sheegay;Wanas al-Faqih,Muhammad Al Ghazali,iyo Abukar Ali Adan ayaa lagu tilmaamay rag halis ah oo khatar gelin kara Amniga Qaranka Maraykanka.

Qoraalkan Caawo  ka soo baxay Waaxda Arrimaha Debadda Maraykanka ayaa lagu sheegay in Abukar Ali Adan uu yahay ku xigeenka Hoggaamiyaha Al-shabaab ee Soomaaliya,inkastoo aan faahfaahin laga bixin. Laakiin waxaa la aaminsanyahay in uu yahay xiddig ka dhex muuqda saraakiisha sare ee Al-shabaab.

Horraantii Sannadkii 2010,Warbixin ay daabacday Reuters oo laga diyaariyey Xagjiriinta Al-shabaab ayaa lagu xusay magaca Abukar Ali Adan,isagoo xilligaas lagu sheegay Amiirka Al-shabaab ee Xuduudka Soomaaliya iyo Kenya.Bishii May ee isla sannadkaas ayaa haddana la ogaaday in uu Al-shabaab Amiir uga ahaa magaalada Kismaayo markaas ay haysteen.

Sannadkii 2012 ayaa markale Sirdoonka Reer Galbeedka laga soo xigtay in Abukar uu yahay Amiirka Al-shabaab ee gobollada jubbooyinka oo ay xilligaas ku xoogganaayen Xagjiriinta Al-shabaab.

Sannadkii 2014 ayaa Abukar ku biiray hoggaamiyaasha sare ee Al-shabaab,sida ku xusan warbixin ay qortay International Crisis Group oo ah koox ka faalloota Xasaradaha Caalamiga ah,waxaana xilkiisa lagu sheegay Taliyaha guud ee Ciidamada Al-shabaab.

PUNTLAND POST

 

The post Dowladda Maraykanka oo liis Cusub ku dartay Ku xigeenka Amiirka Al-shabaab iyo Saraakiil kale. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this