Sign in to follow this  
Deeq A.

Sarkaal ka tirsan Al-shabaab oo isu-soo dhiibay Jubaland.

Recommended Posts

Deeq A.   

sarkaal-shabaab.jpg?resize=338%2C600

Sarkaal ka tirsan Al-shabaab ayaa isu-soo dhiibay Ciidamada Amniga Jubaland ee ku sugan degmada Dooloow ee gobolka Gedo,sida ay qortay Wakaaladda Wararka Soomaaliya ee SONNA.

Wakaaladda ayaa sheegtay in sarkaalka oo lagu magacaabo Aadan Ibraahim uu Al-shabaab u qaabilsanaa dhanka Hawlgallada iyo Uruurinta lacagaha laga qaado Shacabka.

Sarkaalkaan ayaa sheegay in Al-shabaab uu haatan kala shaki galay oo ay dhexdooda is-dilayaan,islamarkaana ay dhibaato ku hayaan dhalinyarada daacadda u ah,sida ku xusan warbixinta ay SONNA daabacday.

Dhinaca kale Taliyaha Ciidanka Nabad sugidda Degmada Dooloow oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay soo dhoweynayan kuwa ka tirsan Al-shabaab” ee ka  faa’iideysanaya Cafiska Madaxweynaha”.

PUNTLANDPOST

The post Sarkaal ka tirsan Al-shabaab oo isu-soo dhiibay Jubaland. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this