Deeq A. Posted January 4, 2018 Fanaaniinta Puntland ugu caansan ee Kooxda Mahuraan Band ayaa sheegay ineysan ka tumayn Xaflada Madaxweyne Gaas ee 8 Janaayo ka dhici doonta Madaxtooyada Puntland ee Garowe. Qoraal kooban ayay Kooxda sheegeen ineyka xun yihiin in Kooxda aysan qayb ka ahaan doonin Xafladaas sidaas darteed ay ka raali galinayaan Shacabka Puntland. Maxamed Dhaafe Cali oo kamid ah Kooxda ayaa sheegey in Gudiga Uu Madaxweynuhu u xilsaaray qaban qaabadavXaflada ay si ula kac ah ugu diideen Kooxda iney ka tunto Xaflada. Mid kamid ah Abwaanada Puntland oo Puntlandi wax ka waydiiyey arintaan ayaa yiri ” Arintaan ayaa dhabar jab waxay ku tahay fanka Puntland iyo horumarintiisa, in laga tago Kooxaha fanka Puntland oo badalkooda Dad kale laga keensado Dibada waa folk xumo”. Abwaanku wuxuu amaaney Kooxda Mahuraan Band, Hoos ka daalaco Qoraal kooban oo Kooxda ay soo dhigeen Bogooda Facebook-Ga. Quote Share this post Link to post Share on other sites