Deeq A. Posted January 4, 2018 Wasaaradda Deegaanka,Duurjoogta iyo Dalxiiska Dowladda ayaa baaq kasoo saartay ka ganacsiga Xayawaanka Diinka oo maalmihii lasoo dhaafay si wayn loogu hadal hayey baraha bulshada qiimo aad u sareeya in la kala siisanayo. Dikreeto uu soo saarey Agaasimaha guud ee Wasaaradda Deegaanka Puntland Cabdicasiis Nuur Cilmi (Koor) ayaa looga digay dadweynaha inay rumaystaan warar been abuur ah, Iyadoona lagu sheegay qoraalka kasoo baxay Wasaaradda talaabo sharciga waafaqsan in laga qaadi doono cid kasta oo lagu arko falka ka ganacsiga diinka. Sida ku cad xeer ilaalinta iyo maareynta deegaanka Dowladda Puntland qodobkiisa 27aad farqadiisa 1aad waxaa reeban dilka, dhaawicistiisa,qabashada iyo ka ganacsiga nooc kasta oo ka mid ah duurjoogta. Akhriso qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Deegaanka Puntland Abshir Dhiirane PUNTLAND POST The post Puntland oo baaq kasoo saartey ka ganacsiga diin diinka appeared first on Puntland Post. Quote Share this post Link to post Share on other sites