Sign in to follow this  
Deeq A.

(SAWIRRO) Dallada PUNSAA oo qabatay shir ku saabsan xalinta khilaafaadka xuduudaha.

Recommended Posts

Deeq A.   

Dallada ururada bulshada rayidka ah ee Puntland (PUNSAA), ayaa maanta qabatay shir labo maalin soconaya oo looga hadlayo xalinta khilaafaadka xuduudaha Puntland.

Shirkaan ayaa lagusoo bandhigay Daraasad laga sameeyay xalinta khilaafaadka, taasoo waxyaabaha ay kasoo baxay ay kamid yihiin in wacyi galin balaaran lasiiyo dadweynaha, sidoo kalena dowladda Puntland lagala hadlo sidii loo magacaabi lahaa guddi qaabilsan xalinta khilaafaadka xuduudaha.

Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Puntlad, Cabdulaahi Maxamed Xaashi iyo agaasimaha guud ee wasaaraddaas Maxamed Cali Nuur (Jubba), ayaa lagu casuumay shirkaan, iyagoo wax laga weydiinayay siyaasada dowladda uga qaadan xalinta muranada ka taagan xuduudaha, kuwaas oo cabaqad ku ah in la gaaro nidaamka dimuqraadiyada.

Agaasimaha fulinta PUNSAA, BAshiir Siciid Ismaaciil, ayaa sheegay dallada PUNSAA inay wado tilaabooyin sahlaya inay Puntland ka dhacaan doorashooyin xor ah, si taas loo gaaro wuxuu sheegay inay sameeyeen Daraasado lagu ogaanayo waxyaabaha hortaagan gaarista barnaamijka dimuqraadiyada.

Guddoomiyaha PUNSAA, Faysal Axmed Warsame, ayaa sheegay shirkaan ay qabteen inuu yahay wada tashi ah oo muhiimadiisu yahay calaamadinta xuduudaha, wuxuuna intaas ku daray in lagasoo saaridoono bayaan loo dhan yahay oo ay ku midaysan yihiin dallada PUNSAA iyo wasaaradda arrimaha gudaha.

Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha iyo agaasimihiisa guud, ayaa ka hadlay shirkaan waxayna uga mahad celiyeen dallada PUNSAA kaalinta ay ka qaadanayso baahinta dimuqraadiyada. Waxay kaloo soo dhoweeyeen Darasadaan ay ka sameeyeen caqabadaha xuduudaha ka taagan iyo talo ay soo jeediyeen ee ku saabsan in bulshada la wacyi galiyo.

IMG_1659.jpg IMG_1660.jpg IMG_1663.jpg IMG_1664.jpg IMG_1665.jpg IMG_1667.jpg IMG_1668.jpg IMG_1669.jpg IMG_1670.jpg IMG_1674.jpg IMG_1678.jpg IMG_1682.jpg IMG_1686.jpg IMG_1688.jpg IMG_1691.jpg IMG_1693.jpg IMG_1696.jpg IMG_1699.jpg IMG_1703.jpg IMG_1706.jpg IMG_1707.jpg IMG_1709.jpg IMG_1710.jpg IMG_1714.jpg IMG_1716.jpg IMG_1717.jpg IMG_1719.jpg IMG_1721.jpg IMG_1658.jpg

Puntlandi.com

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this