Sign in to follow this  
Deeq A.

(Dhegayso) Wasaaradda Degaanka Puntland oo ka digtay in la ugaarsado xayawaanka Diinka.

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Puntlandi) Wasaaradda Degaanka iyo duurjoogta dowladda Puntland, ayaa maanta digniin adag kasoo saartay in lagu xadgudbo xayawaanada Duurjoogta ah, gaar ahaan xayawaanka Diinka kadib markii waayahaan ay soo baxayeen in ugaarsi xoogan lagu hayo, si looga ganacsado.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Degaanka, Cabdicasiis Nuur Cilmi (Koor) oo warbaahinta shir jaraa’id ugu qabtay, Garowe, ayaa sheegay in tilaabo adag laga qaadidoono cid kasta oo isku dayda ama lagu helo iyadoo ugaarsanaysa Xawayaankaan, oo kamid ah xayawaanada horey uga badbaaday gacanta binu’aadamka.

Agaasimuhu wuxuu ugu baaqay shacabka ku dhaqan dhulka miyiga ah inay wasaaradda Degaanka iyo laamaha amniga kusoo wargaliyaan cidii lagu arko falkaan iyadoo gacmaha kula jirta.

“Noole kasta oo ku nool gayiga Puntland wuxuu leeyahay xuquuq iyo in laga ilaaliyo wixii dhibaato ku ah naftooda, sidaas daraadeed dowladda Puntland waxay ka digaysaa in Diinka la ugaarsado,” ayuu yidhi agaasimuhu.

Koor, ma sheegin wax kiis ah oo Puntland ka dhacay oo la xiriira arrinta Diinka, laakiin wuxuu sheegay  dadka inay sii xasuusinayaan in Diinku yahay Xayawaanada ahmiyada weyn ugu fadhiya Puntland. Waxaa kale oo uu ka digay wararka aan xaqiiqada lahayn ee baraha bulshada lagu faafinayo ee ah in Puntland uu ka socdo ugaarsiga Diinka.

Halkaan ka dhegayso codka Agaasimaha.

      Wasaaradda deegaanka

Puntlandi.com

 

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this