Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Puntland oo war kasoo saaraysa ugaarsiga iyo ka ganacsiga Diinka.

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaaradda Degaanka, Duur-joogta yo Dalxiiska dowladda Puntland ayaa Maanta War ka soo saaraysa ka ganacsiga iyo iibsiga Xayaanka Diinka, kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in degaanno kamid ah Puntland uu ka socdo u gaarsiga Diinka.

Wasaaradda Degaanka Puntland ayaa la filayaa inay ku dhawaaqdo tilaabooyin looga hortagayo ugaarsiga Diinta, iyadoo la kaashanaysa wasaaradda amniga Puntland iyo ciidanka nabad gelyada Degaanka.

Inkastoo illaa iyo haatan aan lasoo sheegin meel kamid ah Puntland uu ka socdo ugaasriga Diinka, ayaa haddana wasaaraddu waxay kasii hortagaysaa in xaaluf loo geysto Diinka, oo kamid ah xayawaanada Eebbe ku manaystay dhul weynaha Puntland.

Ka ganacsiga Diinta ayaa si weyn looga dareemay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, iyadoo aaanay jirin maamulo awood leh oo xakameeya in Diinka laga ganacsado, Waxaana suuqa ugu weyn ee iibka Diinka uu haatan ka socdaa magaalada Muqdisho.

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this