Sign in to follow this  
Deeq A.

BREAKING NEWS:- Wasiirkii arrimaha gudaha, wasiirkii arrimaha dibada iyo wasiirkii ganacsiga oo xilalkii laga qaaday.

Recommended Posts

Deeq A.   

Wareegto kasoo baxday xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, ayaa xilalkii looga qaaday wasiirkii arimaha dibada Yuusuf Garaad Cumar, wasiirkii arimaha gudaha Cabdi Faarax Juxa iyo wasiirkii ganacsiga iyo warshadaha Qadra Axmed Ducaale, sida uu warbaahinta u shaaciyay  Wasiirka warfaafintaEng C/raxmaan Yariisow.

Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa loo magacaabay wasiirka ganacsiga iyo warshadaha xukuumadda Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye waxaa loo magacaabay wasiirka arimaha gudaha halka wasiirka arimaha dibadda loo magacaabay Danjire Axmed Ciise Cawad.

Wasiirada cusub ayaa lagu amray inay si dhaqso ah xilalkooda ula wareegaan, waxaana la sheegay in faafinta rasmiga ah lagu soo saari doono magacaabidda wasiirada cusub ee xukuumadda Soomaaliya.

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this