Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Qodobada adkaa ee CC Shakuur uu u cuskaday diidmada Kiiska Maxkamada Racfaanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay C/raxmaan C/Shakuur Warsame ayaa ka hadlay go’aanka maxkamada Racfaanka Gobolka banaadir ay ku laashay warkii Maxkamada Gobolka banaadir ka soo baxay Bishii hore ee December.

Maxkamada Racfaanka ayaa shalay sheegtay in CC Shakuur aanu ka bixikarin dalka, isla markaana Xeer ilaalinta la faray inay wado kiiskeeda baaritaanka ahaa oo ay ku heysay CC Shakuur.

Go’aanada Maxkamada Racfaanka waxaa kamid ahaa inay waxkama jiraan kasoo qaaday hadalkii Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaadir Aweys Sheekh uu ku sheegay inuusan wax danbi ah leheyn Siyaasigan oo weerar lagu qaaday gurigiisa lagu soo qabtay.

CC Shakuur ayaa diidmadiisa go’aanka Maxkamada Racfaanka u daliishaday qodobo dhowr ah oo uu sheegay inaanu qabin sharciga ay Maxkamada Racfaanka kusoo nooleysay kiiskiisa.

Muuqaal uu soo saaray Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku eedeeyey Xeer illaaliyaha inuu ku xadgudbay xeerka iyo sharciga dalka isagoo sheegay in xarigiisii sharci darada ahaa uu keenay dilka shan kamid ah illaaladiisa.

Hoos ka daawo qodobada uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku beeniyay go’aanka Xeer ilaalinta iyo Maxkamada:

The post Daawo: Qodobada adkaa ee CC Shakuur uu u cuskaday diidmada Kiiska Maxkamada Racfaanka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this