Sign in to follow this  
Deeq A.

Itoobiya oo sii deynaysa dhamaan Maxaabiista u xiran Arimaha siyaasada

Recommended Posts

Deeq A.   


IMG_5275.jpg
Raysal wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desaleg ayaa sheegay in Xukuumadiisu ay ooda ka qaadayao dhamaan Dadka u xirxiran Arimaha Siyaasada isla markaasna laga noqonayo dambiyadii loo heystay.

Waa markii u horeysay oo Itoobiya ay qaado talaabadaan iyadoo bilihii lasoo dhaafay cadaadis uga imaanayay Ururada u ololeeya Xuquuqul insaanka.

Soomaali badan oo Reer Otoobiya ah ayaa kamid ah Dadka u xirxiran Arimaha Siyaasada iyadoo maxaabiistaan badankooda lagusoo oogay dambiyo Argagixisnimo.

Raysal Wasaare Hailemariam Desaleg wuxuu sheegay in sii deynta Maxaabiistaan ay qayb ka tahay isbadalka iyo horumarka Xukuumada Itoobiya ay gaartay ama hiigsaneyso.

Puntlandi
Adis Ababa

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this