Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamada racfaanka gobolka Banaadir oo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku amartay inuusan dalka ka bixi karin inta dacwadiisa socoto.

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Puntlandi) Maxkamada racfaanka gobolka Banaadir ayaa maanta amar ku kusoo rogtay siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo loo haysto dambi qaran dumis ah.

Maxkamadu waxay ku xukuntay siyaasigaan inuusan gali karin wax safar ah inta ay socoto dacwada loo haysto. Waxaa kale oo ay maxakmadu burisay go’aankii horey maxkamada gobolka Banaadir ugasoo baxay ee ahaa inaan racfaanka laga qaadan karin go’aankii lagu fasaxay Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sidoo kale, waxaa ganaax lacageed oo dhan $2000 lagu riday 8 qareen oo diiday inay udoodaan ama difaacaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Qaar kamid ah ayaa shaqo joojin iyo ganaax lacageed la isugu daray, sida uu sheegay guddoomiyaha maxkamada racfaanka.

Dacwada maxkamadaynta Cabdiraxmaan Cabdishakur, ayaa sii socondoonto, iyadoo xeer ilaalinta loo fasaxay inay sii wataan baaritaankooda si ay cadeymo ugusoo gudbiyaan.

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this