Sign in to follow this  
Deeq A.

Deg deg: Maxkamadda Racfaanka oo go’aan ka gaartay Kiiska C/raxmaan C/shakuur iyo xeer ilaaliyaha oo fasax loo siiyey inuu…

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online)  – Maxkamadda racfaanka gobolka Banaadir ayaa burisay go’aankii uu garsooraha maxkamadda gobolka Banaadir uu ka gaaray dacwaddii loo haystay siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ahayd inaan wax racfaan ah laga qaadan karin go’aankii maxkamaddaasi oo ahaa inaanu wax dambi ah lahayn Cabdiraxmaan Cabdishakuur sida ay Caasimadda u sheegeen ilo ku dhaw dhaw maxkamadda racfaanka.

Maxkamadda racfaanka oo maanta u fariisatay dacwadda loo haysto siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa go’aan ku gaartay in xeer ilaalinta qaranka loo fasaxo baaritaanka ay ku hayso kiiskiisa. Sidoo kale maxakamadda racfaanku waxay safarada ka mamnuucaday siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur inta uu socdo baaritaanka dacwadda loo haysto.

Dhinaca kale waxay maxkamaddu ganaax dul dhigtay sideed qareen oo ay sheegtay inay diideen inay difaacaan siyaasiga eedaha loo haysto. Shan kamid ah waxa lagu xukumay in shaqada laga joojiyo muddo labo bilood ah, iyo inay bixiyaan lacag shilin Soomaali ah oo u dhiganta $2000. Sedexda qareen ee kale iyana waxa lagu xukumay inay bixiyaan ganaax lacageed oo shilin Soomaali ah oo u dhigma $2000.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo qareeno u doodaya midna ma soo xaadirin fadhigii maxakamadda oo aan sidoo kale loo ogoleyn warbaahinta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Deg deg: Maxkamadda Racfaanka oo go’aan ka gaartay Kiiska C/raxmaan C/shakuur iyo xeer ilaaliyaha oo fasax loo siiyey inuu… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this