Sign in to follow this  
Deeq A.

Ururka Al-shabaab oo dilay askar ka tirsan Ciidamada Kenya.

Recommended Posts

Deeq A.   

Shan ka tirsan booliska Kenya ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday gaari ay saarnaayeen magaalada Mandheera ee gobolka waqooyi bari  oo u dhow xadka Soomaaliya xili dambe oo Talaadadii ah, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan dowladda.

Tobanaan ka tirsan ciidamada ammaanka Kenya ayaa bilihii ugu dambeeyay lagu dilay degaannada fog ee ku dhow xudduudda Soomaaliya, iyadoo lagu tuhunsan yahay in ay dileeen dagaalyahanno  ka tirsan xagjiriinta al-Shabaab ee Soomaaliya. Kooxda ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan ugu dambeeyay.

Daniel Bundotich, oo ah ku-xigeenka guddoomiyaha gobolka Mandheera ee Koonfurta, ayaa sheegay in in dadka la dilay ay ku jiraan saddex askari oo booliis ah iyo  dad rayid ah oo caawinayey Booliiska.

Al Shabaab ayaa sidoo kale weerarro kale ku qaaday Kenya oo lagu beegsanayo dadka rayidka ah, iyagoo ka aargudanaya Kenya oo Ciidankeedu soo galay Soomaaliya dhammaadkii 2011.

Xigasho: Wakaaladda Wararka ee Reuters.

PUNTLAND POST

The post Ururka Al-shabaab oo dilay askar ka tirsan Ciidamada Kenya. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this