Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu Micheal Keating ka yiri xaalada amni ee xiligaan ka jirta Somalia?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka Qaramadda Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Micheal Keating, ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay amniga xiligaan ka jira Somalia.

Micheal Keating, waxa uu tilmaamay in amniga ka jira Somalia uu yahay mid bil waliba bisha kasii danbeysa ka roonaanaya waxa uuna talaabadaasi uga mahad celiyay dowlada Somalia.

Waxa uu Mr Micheal Keating sheegay inay dhacaan falal aan sidaa usii weyneen taa oo uu sheegay inay tahay mid biyo hoor u ah sii jiritaanka al-Shabaab.

Dilalka iyo Qaraxyada ka dhaca Somalia ayuu sheegay inay aad uga yar yihiin kuwii horay uga dhici jiray Somalia, waxa uuna tusaale usoo qaatay mudada ay jirto dowlada Farmaajo inay dhaceen Qaraxyo fara ku tiris ah.

‘’Dadaalka dowlada aad ayuu u hirgalay waxaan qireynaa inay aad u yar yihiin dhibaatooyinka dhacay sanadkii lasoo dhaafay’’

Micheal Keating, ayaa sidoo kale dowlada Somalia ugu baaqay inay u dhabar adeegto adkeynta amniga, waxa uuna cadeeyay in amniga oo hagaagaa ay ka dhigan tahay Somalia oo caga dhigataa.

Geesta kale, Micheal Keating ayaa dadka shacabka ah ugu baaqay inay dowlada Federaalka kala shaqeeyan amniga iyo xasiloonida.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Muxuu Micheal Keating ka yiri xaalada amni ee xiligaan ka jirta Somalia? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this