Sign in to follow this  
Deeq A.

Trump oo fariin goodin ah u diray maamulka & shacabka Falastiiniyiinta (Warbixin)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha dalka Mareykanka Trump ayaa ku goodiyay in gabi ahaan uu jari doono deeqaha uu dalkiisa siiyo maamulka iyo shacabka Falastiiniyiinta.

Trump ayaa jarida deeqaha Falastiiniyiinta ku saleeyay in maamulka iyo shacabka aysan diyaar u aheyn dhismaha Nabada iyo wada noolaasho.

Trump, ayaa goodintiisa ku muujiyay qoraal uu kusoo bandhigay bartiisa Twitterka, waxa uuna ku celcelshay in deeqda uu Maraykanku bixinayo uusan ku helin ixtiraam iyo mahadnaq toona.

Waxa uu sidoo kale Trump sheegay in aqoonsigiisa caasimadda Israa’iil ay miiska wadahadalka nabadda ka leexisay arrintii kala qaybsanaanta wayn keenaysay.

Sidoo kale, Falastiiniyiinta ayaa sheegay in tallaabadaasi ay Maraykanka ka dhigtay mid aan dhexdhexaad noqon karin.

Si kastaba ha ahaatee, Tallaabadii bishii Disembar waxaa iyadana si wayn u cambaaraysay Qarammada Midoobay, iyadoo 128 dal ay ka soo horjeedsadeen tallaabadii uu Trump qaatay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Trump oo fariin goodin ah u diray maamulka & shacabka Falastiiniyiinta (Warbixin) appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this