Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogo dheeraad ah oo laga helaayo Duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday Gobolka Shabellaha Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Xogo dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa duqeyn diyaaradeed oo gelinkii dambe ee shalay ka dhacay deegaan ku dhow degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose.

Duqeynta ayaa lala eegtay gaari nooca loo yaqaan Homey oo la sheegay inay kusoo jeeday dhanka Muqdisho, taa oo laga soo buuxiyay Qaraxyo tan culus oo la doonaayay in weerar ismiidaamin ah ka fuliso gudaha magaalada Muqdisho.

Saraakiil ciidan oo ka tirsan maamulka gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in gaarigan ay Al-shabaab kasoo buuxiyeen walxaha qarxa, islamarkaana usoo wadeen dhanka Muqdisho.

Saraakiisha ayaa sheegtay in gaariga lala socday markiisa hore isla markaana la duqeeyay goorta uu soo galay xadkii loogu talo galay in lagu duqeeyo, sida ay hadalka u dhigeen.

Si kastaba ha ahaatee, duqeynta ayaa daba socta mid Bishii aynu kasoo gudubnay muddo Laba jeer ay diyaarado dagaal ku duqeeyeen Sh/hoose gaadiid la sheegay in qaraxyo laga soo buuxiyey, kuna soo wajahnaayeen Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Xogo dheeraad ah oo laga helaayo Duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday Gobolka Shabellaha Hoose appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this