Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo Maalinta berri ah ku soo wajahan Puntland.

Recommended Posts

Deeq A.   

Wefdi ballaaran oo uu hoggaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane. Cabdi Faarax Siciid(Juxa) ayaa Khamiista berri ah  ku soo wajahan Puntland,waxaana wefdigaan horu-dhac u yihiin safar uu madaxweyne Farmaajo ku imaanayo Puntland 6 bishaan Jannaayo ee 2017.

Saraakiil ku sugan Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa PUNTLAND POST u xaqiijiyey in wefdigaan oo ka kooban Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya,xildhibaanno ka socda labada Aqal iyo saraakiil kale ay Maalinta berri u soo kicitimayaan dhinaca Puntland,iyagoo horu-dhac u ah booqashada madaxweyne Farmaajo ku imaanayayo Puntland.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxammed cabdullaahi Maxammed(Farmaajo) ayaa sabtida lagu wadaa in uu ka soo dego garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso,booqashadii ugu horreysay oo uu ku yimaado degaannada Puntland.

Mudane. Farmaajo ayaa inta uu Puntland ku sugan yahay goobjoog ahaan doona daah-furka garoomada diyaaradaha magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso oo lagu soo beegay 8-da Jannaayo,kuna aaddan Maalintii la doortay Cabdiweli Gaas,sida aan xogta ku helnay.

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar

The post Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo Maalinta berri ah ku soo wajahan Puntland. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this