Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga doorashada Puntland oo soo bandhigay ururada isdiiwaan galiyay iyo muddo kordhin kale

Recommended Posts

Deeq A.   

Shuuqe.jpg

Guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland (TPEC) ayaa shir jaraa’id oo goor dhowayd ay ku qabteen  Garowe waxay muddo bil ah ku kordhiyeen muddadii isdiiwaan galinta ururada siyaasadeed ee Puntland.

Guddigu waxay sheegeen inay soo dhammaatay waqtigii horey loo qabtay oo ku ekaa 31 bishii December ee sannadkii hore, waxaana illaa iyo hadda isdiiwaan galiyay afar urur oo kaliya.

Ururada isdiiwaan galiyay waxay kala yihiin, Garsoor, Umadda, Ubax iyo Himilo, inastoo oo guddigu sheegay in aanay weli buuxin sharuudaha lagu ahaan karo urur siyaasadeed sharciyad leh.

Guddiga waxay ugu baaqeen siyaasiyiinta daneynaysa inay urur sameystaan ay ka faa’idaystaan muddada lagu kordhiyay xilliga isdiiwaan galinta ururada.

Halkaan ka akhriso

1.jpg2.jpg

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this