Sign in to follow this  
Deeq A.

Muwaadinkii ugu horeeyay ee Soomaaliyeed oo sanadkaan Cusub 2018-ka lagu dilay Koonfur Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya dalka Koonfur Afrika ayaa waxa ay sheegayaan in muwaadinkii Soomaaliyeed ee ugu horeeyay sanadkaan cusub 2018-ka lagu dilay dalkaasi Koonfur Afrika.

Allaha u naxariistee muwaadinkaan la dilay ayaa lagu magacaabi jiray  Cabdulahi Macalin Cali waxaana dishay dableey hubeeysan oo Koonfur Afrikaana ah.

Dilkaan ayaa ka dhacaya Magaalada Johanesberg ee dalkaasi Koonfur Afrika.

Ha’ada Ka Howlgasha dalka Koonfur Afrika ayaa sheegtay in sanadkii dhamaaday la toogtay 137 Muwaadin Soomaali ah.

Dilalka loo geeysanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa ku soo badanaya dalka Koonfur Afrika.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post

The post Muwaadinkii ugu horeeyay ee Soomaaliyeed oo sanadkaan Cusub 2018-ka lagu dilay Koonfur Afrika appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this