Sign in to follow this  
Deeq A.

Tirada duqeymaha Maraykanku ka geystay Soomaaliya 10 sano ee la soo dhaafay.

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Maraykanka ayaa sannadkii tegay ee 2017 siyaadisay duqeymaha dhanka cirka ah ee ay ku qaadayso mintidiinta Xagjirka ah ee Soomaaliya,waxayna qaadday in ka badan 30 weerar oo ka dhan ah Al-shabaab iyo Daacish.

Inta badan weerarradii dhacay sannadkii 2017 waxaa lagu beegsaday Al-shabaab,marka laga reebo laba kamid ah oo lagu qaaday koox yar oo ku sugan buuraleeyda degmada Qandala ee gobolka Bari,kuwaasoo sheegtay in ay ka tirsan yihiin Daacish.

Horraantii bishii Nov ee sannadkii 2017 ayaa Maraykanku Soomaaliya ka fuliyey weerarkii ugu horreeyey ee lagu qaado Daacishta ku sugan gobolka Bari ee Puntland,balse wax khasaare oo weyn ma geysan.

Haddaba aan idiin soo bandhigno tirada duqeymihii Maraykanka ee 10 sano ee dambaysay ka dhacday Soomaaliya.

2007 Maraykanka ayaa Soomaaliya ka geystay laba duqeymood oo laga fuliyey Koonfurta Soomaaliya.

2008 Maraykanka ayaa Soomaaliya ka geystay saddex duqeymood oo laga fuliyey Koonfurta Soomaaliya.

2009 hal duqeyn ayaa Maraykanku ka geystay Koonfurta Soomaaliya.

Sannadihii 2010 iyo 2011 midna wax duqeyn ah Maraykanku kama geysan Soomaaliya.

2012 hal duqeyn ayaa Maraykanku ka geystay Koonfurta Soomaaliya.

Sannadkii 2013 Maraykanka ayaa Soomaaliya ka geystay laba duqeymood oo laga fuliyey Koonfurta Soomaaliya.

2014 Maraykanka ayaa Soomaaliya ka geystay saddex duqeymood oo lagu qaaday Koonfurta.

2015 Maraykanka ayaa Soomaaliya ka geystay saddex duqeymood oo laga fuliyey Koonfurta Soomaaliya.

2016 Dowladda Maraykanka ayaa Soomaaliya ka fulisay 15 duqeymood oo dhammaantood ka dhacay koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Sannadkii tegay ee 2017 Maraykanka ayaa Soomaaliya ka geystay duqeymihii ugu badnaa oo gaaraya 35 weerar,waxaana 33 kamid ah lagu qaaday Koonfurta Soomaaliya,halka labada kale lagu beegsaday Daacishta ku sugan degaannada Puntland.

PUNTLAND POST

The post Tirada duqeymaha Maraykanku ka geystay Soomaaliya 10 sano ee la soo dhaafay. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this