Sign in to follow this  
Deeq A.

DAAWO:- Booqashadii wasiirka qorshaynta dowladda Federaalka iyo wafti uu hogaaminayo ay ku tageen gobolka Sanaag.

Recommended Posts

Deeq A.   

Badhan (Puntlandi) Wafti uu hoggaaminayo Wasiirka qorshaynta ee dowladda Federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa gaaray degmada Badhan ee gobolka Sanaag, halkaasi oo ay uga bilaabatay booqasho maalmo ah oo ku marayo gobolka Sanaag.

Waftiga wasiirka oo sii maray magaaladda Ceeldaahir ee gobolka bari iyo tuulooyinka teedsan wadada isku xirta Badhan iyo Bosaso, waxaa si ballaaran u soo dhaweeyay dadka degaanka iyo masuuliyiinta dowladda Puntland ee gobolka. Socdaalka waxaa wasiirka ku wehelinayay Wasiirada amniga iyo waxbarashada ee dowladda Puntland, xildhibaano ka tirsan barlamaanka federaalka iyo barlamaanka Puntland.

Wasiirku wuxuu booqday howladeenadda gacanta ku haya wadada Ceeldaahir iyo Ceerigaabo, isagoo la kulmay guddiga gacanta ku haya mashruuca, waxayna uu guddiga ka dhagaystay halka uu marayo mashruuca wadada oo ay sheegeen ina la dhamaystiray 65km.

Halkaan ka daawo muuqaalka booqashada wasiirka.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this