Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab oo sheegatay dilkii Cali Nuur Shuute.

Recommended Posts

Deeq A.   

Ururka Al-shabaab ee Soomaaliya ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkii xalay lagu dilay Cali Nuur Shuute,oo ahaa abbaha guddoomiyaha maxkamadda darajada 1aad ee ciidamada qalabka sida G/sare Xassan Cali Nuur Shuute.

Qoraal uu soo saaray Xafiiska Warbaahinta Al-shabaab  oo lagu baahiyey bogagga Internet-ka ee taageera Al-shabaab ayaa lagu sheegay In dagaallamayashoodu ay dilkaas geysteen.

Fiidnimadii Xalay ayaa koox hubaysan degmada dharkaynleey ee gobolka Banaadir ku dileen Cali Nuur Shuute,iyagoo durbadiiba goobta ka baxsaday,waxaana dilkiisu ku soo beegmay xilli dhowaan maxkamad la soo tagay rag loo haysto in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab oo lagu eedaynayo qaraxii weynaa ee Soobe.

PUNTLANDPOST

The post Al-shabaab oo sheegatay dilkii Cali Nuur Shuute. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this