Sign in to follow this  
Deeq A.

C/RAXMAAN C/SHAKUR: Ma jirto dacwad sharci ah oo la ii haysto iyo cid aan Wakiishay

Recommended Posts

Deeq A.   

Siyaasiga-C-raxman-C-shakuur-oo-Shir-JarMuqdisho (PP) ─ C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa soo saaray War-saxaafadeed uu ku sheegay inaysan jirin dacwad sharci ah oo loo haysto, wuxuuna ku eedeeyay xeer-ilaaliyaha Qaranka inuu kusoo oogayo dacwad siyaasadeysan.

Qoraalkan ayaa kusoo beegmay maalin ka hor xilli ay maxkamadda racfanka Gobolka Banaadir u qabatay in la dhagaysto dacwada taasoo xeer-ilaalinta Qaranka racfaan ka qaadatay go’aankii uu horay ugu sii daayay garsooraha Maxkamada Gobolka Banaadir.

“Xeer-ilaaliyaha isagoo gacan ka helaya madaxda ugu sarreysa dalka oo adeegsanaya awoodda xafiisyadooda ayuu faro-gelin ku sameeyay garsoorka wuxuuna hor-istaagid ku sameeyay dhaqangalka go’aankii maxkamaddu ay soo saartay 21-kii bishii December ee 2017-kii.” ayuu Warsame ku sheegay qoraalka uu maanta soo saaray.

Sidoo kale, War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay weerar ay ciidamo ka tirsan amaanka ku qaadeen hoyga C/raxmaan C/shakuur 17-kii bishii hore, taasoo lagu dilay shan ruux oo uu sheegay inay ahaayeen ilaaladiisa.

Ugu dambeyn, C/raxmaan C/shakuur ayaa 21-kii bishii lasoo dhaafay wuxuu kalsoonida kala noqday saddex Qareen oo uu horay ugu wakiishay inay ka difaacaan dacawada, wuxuuna War-saxaafadeedkiisa ku xusay inaysan jirin cid uu u wakiishay inay dacwad ku metesho.

Haddaba, AKHRISO War-saxaafadeedka C/raxmaan C/shakuur Warsame;
Warsame_Qoraal_Maxkamadeed.png?resize=82

PUNTLAND POST

The post C/RAXMAAN C/SHAKUR: Ma jirto dacwad sharci ah oo la ii haysto iyo cid aan Wakiishay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this